Ma rabtaa inaad lacag ka samayso Internet-ka, laakiin maku wareersantahay meesha aad ka bilaabayso? Ha werwerin, waxaan maqaalkaan kugula wadaagi doonaa wadooyin ka saxda ah ee aad internet ka lacag kaga sameeyn karto.
1. Furo Kanaal YouTube.
Xaqiiq xiiso leh YouTube waa website ka labaad ee loogu booqashada badanyahay aduunka, kadib Google oo ah shirkadda iskaleh YouTube.
Lacag ma ka samayn kartaa YouTube?
Jawaabta oo koobana waa HAA Youtube lacag waad ka sameyn kartaa, kumanaan dad ah ayaa bilkasta lacag ka sameey Youtube hadii ay dadkaas ka sameeyan adna waad ka sameeyn kartaa.
Lacagta Youtube aad ka sameeyn karto waxeey ku xirantahy mowduuca aad ka hadasho oo muuqaladaada ku saleeysan yihiin, hadii kanaalka ku koobanyahay Pranks ama Reaction & Qofkale oo Kanaalkiisa ka hadlo Personal Finance ama Technology isku mid ma noqoneysan oo waka dakhli badan karaa.
2. Sameeyso Blog (website)
Fikradda ah inaad lacag samayn karto blogging waxay u egtahay riyo. Hadii aad tahay qof ku fiican qoraalka & curinta warbixinada waxaad lacag ka sameeyn kartaa inaad sameeysato Website, Tallaabada ugu horreysa dabcan waa in la abuuro Blog, taas ka dib, waxaad u baahan doontaa inaad kobciso booqdayaasha Blog-gaga si aad ugu dambeyntii lacag uga hesho.
Waxaa kaloo muhiim ah inaad doorato cinwaan aad ka hadasho oo aad xooga saarto dadka kugu xiran ay kugu bartaan, cinwaanka aad dooranayso waxaa muhiim ah inuu noqdo mid aad wax badan ka qori karto.
sanadka ugu horeeya gudihiisa, bloggers waxay si fudud u samayn karaan $500-$2,000 dheeraad ah bishii.
3. Biloow Affiliate Marketing
Affiliate Marketing waa mid ka mid ah siyaabaha ugu caansan ee lacag looga sameeyo internetka. Sannadihii lasoo dhaafay oo dhan caannimadiisu kor ayay u kacday, Qaybta ugu fiican ee ku saabsan Affiliate Marketing ka waa inaad doorato shirkado aad u badan oo aad xayeesiiso adeegooda.
Tani waa fikradda ka dambeysa Affiliate Marketing ka.
Affiliate Marketing waa habka ay aad ku kasban karto Commission ka suuqgeynta alaabta shirkad kale ama qofkale. Affiliates ka waxay si fudud u raadiyaan badeecad ay ku raaxaystaan iibinteeda, ka dibna waxay kor u qaadaan xayeesiinta alaabtaas oo ay ku helaan qayb ka mid ah faa’iidada iib kasta oo ay sameeyaan.
Si aad Affiliate Marketing u biloowdo waxaad u baahantahay inaad doorato Product ama Badeeco aad xayeesiin karto, kadib na aad xayeesiin u sameeyso, qofwalba oo xayeesiintaada ku dhufta oo prodcut-gas gata waxaad ka heleeysa Commission iib kasta ood sameeyso.

4. Noqo Freelancer.
Ma ogtahay waxaad lacag ka sameyn kartaa Websites ka sida Upwork, Fiverr iyo Freelancer.com. Goobahani waxay bixiyaan fursado ay ku qabtaan shaqooyin Freelancing ah oo kala duwan.
Ma leedahay xirfad gaar ah? Ma jiraan wax aad samayn karto oo dadku lacag ku bixin lahaayeen? Hadda waxaa jira baahi weyn oo loo qabo Freelancers, inaad noqoto Freelancer ma fududa sida ay u muuqato. Wax badan ayaa loo huraa, waana inaad bixisaa dadaal dheeraad ah marka ay timaado helitaanka macaamiisha. waxaas oo dhan waa in la sameeyaa ka hor inta aanad qaban shaqada.
Waxa kale oo jira xirfado gaar ah oo aad u baahan tahay inaad horumariso haddii aad rabto inaad ku guulaysato Freelancing ka. Waxaad u baahan doontaa inaad barato sida loo suuqgeeyo naftaada si aad u hesho macaamiisha suurtagalka ah, bixiso taageero badan, inaad maareyso wakhtigaaga.
5. Biloow Online Surveys
qodobkaan kaama dhigi doono taajir, laakiin waa hab aad ku kasban karto abaalmarinno ama lacag caddaan ah oo degdeg ah oo aadan ka welwelin barashada xirfad cusub.
Shaqadan waxaad ku qaban kartaa wakhtiga firaaqada ah. Shaqadaan waa wax fudud oon dadaal badan kaaga baahneeyn, inta badan goobaha Online Survey Websites ka makugu qasbi doonaan xirfad ama aqoon dheeraad ah.
Qaar ka mid ah shabakadaha Online Survey ga ayaa bixiya lacag ka badan inta aad filan karto, laakiin sidaas oo ay tahay, haka filanin dakhligaagu inuu noqdo wax ka badan labanlaab.

Wa kuwaan 4ta Websites ee ugu fiican Online Survey ga.
1. Swagbucks
2. Survey Junkie
3. InboxDollars
4. LifePoints
6. Print on demand
Prin on demand (POD) waa fudud oo internet ka lacag looga sameeyn karo dad babadana ay ku shaqeeystaan nolo fiican kaga sameeyaan malinwalba.
Print On Demand, waxaad naqshadayn kartaa oo iibin kartaa funaanadaha, koobabka, bacaha, iyo wax ka badan adigoon haysan ama sameeyn wax alaab ah. Marka aad abuurto Naqshada badeecada, inta soo hartay waxaan u gudbinaysaa soo saaraha e-commerce, shirkaddaasi waxay daabacdaa, wixii aad naqshadaysa oo ay macaamiisha soo dalbadeen, kadib ayay u sii dirtaa dalabka macmiilkii soo dalbaday, adigana meshaan commission fiican ka heli kartaa.
Websites ka ugu fiican ee Print On Demand lagu iibiyo online-ka.
- Redbubble
- Printful
- Printify
- Sellfy
Gunaanad
Inaad Internet ka lacag ka sameeysaa waxeey kaaga baahantahay juhdi & dadaal dheeraad ah inaa la timaado, oo aad waqtigaaga galisoo sidaad ku gaari laheeyd hadafkaas, arinta wanaagsan ayaa waxeey tahay Internet-ka waxaad lacag ka samayn kartaa adigoon wax maalgelin ah sameeyn.
Hababkaan aan kula wadaagay midkee ku fikiraysaa inaad bilaawdo ama horay u hirgalisay, fikirkaaga nagula wadaag Qaybta Faalooyinka hoose, adigoo magacaaga iyo meshaad ku nooshahy ka bilaabaaya.
Mahadsanid.
HI MY NEM IS AMRAN AHMED ALI
SXP SIDEE qof affiliate ubaahan loo helaa?
Muqdisho
Oky
Waxan raba ina shaqaysto
Maxamed
Asc fbga wax lacag ah Malaga sameeyn karaa
Asc aniga waxaan raba FB sida lacag Logan sameyo IGA caawiya
Insha allahu waa iga diyaar in aan howlahaas qabto
I want skills
Insha allahu waa iga diyaar in aan howlahaas qabto
Anigu wan kuso biri alle hano fududey
Insha Allah walaal, waankuso dhaweyneenaa.
Insha allahu waa iga diyaar in aan howl kasta qabto
Siman sheikh adan
I want to make money online and I am in Somalia
Walaal Adigoo somalia jooga online lacag waad ka sameeyn kartaa siyaabo badan ayaadna oga sameeyn kartaa
S
Aniga waxaan jeclahay in aan social media in aan kusoo biiro waa riyadeyda
Walaal Calwiya Social Media Jaanis badan baa ka banaan hubaal hadaad kusoo biirto waxbadana ka faa’iideeysa.
Oky wll