Ku hel Lacag Adigoo Ra’yigaaga Online ka dhiibanaaya.

Ma raadinaysaa siyaabo aad ku kasbato lacagta dheeraad ah dadaalka ugu yar? 

Ku bixinta ra’yigaaga Online iyada oo loo marayo sahanno lacag ah ayaa hubaal ah waa hab sahlan oo lagu kasbado lacag caddaan ah oo degdeg ah.

Samaynta sahaminta waxaa laga yaabaa inaysan bixinin dakhli badan. Laakiin waxa aadka ugu fiican iyaga ayaa ah inay ku siiyaan fursad aad lacag dheera ah ku samayso adigoo gurigaaga jooga.

Ma kuula muuqataa mid xiiso leh? Hadday sidaas tahay, sii wad akhriska si aad u barato sida ay u shaqeeyaan Sahannada Internet ka ah ee lacagta lagu bixiyo, waxa aad filan karto inaad kasbato, iyo halka aad ka heli karto Sahannada Internet ka ee ugu lacag bixinta badan.

Immisa Lacag ka Samayn Kartaa Sahannada Internet ka?

Inaad Lacag ka sameeysaa Sahannada Internet ka waa sahlan tahay. Si kastaba ha ahaatee, inta lacag ah ee aad samayn karto waxay ku xiran tahay tirada sahan ee aad dhamaystirtay iyo cadadka abaal-marinaha lagu siiyo dhamaystirka sahan kasta. Sahan kastaa wuu ka duwan yahay midka kale, wuxuu ku xiran yahay nooca, dhererka iyo sida ay ukala adagyihiin Sahannada.

Inta badan Sahannada Internet ka waxay leeyihiin lacag-bixinno hooseeya taas oo keenta dakhli ku dhow $.05 daqiiqaddii ama $3 saacaddii marka internet kaagu xawaarahiisa sareeyo.

Halkeen Ka Heli Karaa Sahan Lacageed?

Fikradaha lacag ka sameeynta Sahannada Internet ma tahay mid kuu soo jiidanaysa? Hadday sidaas tahay, kuwani waa goobaha Sahanka Internet ka ee ugu sarreeya hadda.

1. Survey Junkie

Marka la barbar dhigo shirkadaha kale ee sahanka, Survey Junkie waxay bixisaa lacag-bixinno waxyar ka sarreeya shirkadaha la midka ah ($2-$3 sahan kasta). Si kastaba ha ahaatee, sahannadani waxay qaadan karaan 10-15 daqiiqo in la dhammaystiro waxaana laga yaabaa inay ku lug yeeshaan daawashada fiidiyowyo yar. 

Survey Junkie waxa uu leeyahay App ka mobile ka, laakiin waxa aan door bidayaa in aad isticmaasho oo keliya marka aad haysto internet WiFi xooggan maadaama ay si degdeg ah xogta u calalin karto. Lacag la bixista ugu yar ee Survey Junkie waa $10.

2. Swagbucks

Swagbucks waa goob sahan caan ah oo lacag shaqaynaysa ilaa 2005 tii taasoo ku bixinaysa inaad sahan sameyso. Markaad sahan qaadayso, waxaad heli doontaa dhibco Swagbucks kuwaas aad ubadalan karto lacag caddaan ah ama kaadhadh hadiyadeed.

Waxaad filan kartaa inaad kasbato qiyaastii 40 ilaa 200 Swagbucks sahan kasta. Taasi waxay noqoneysaa inta u dhaxaysa 40 senti ilaa $2 sahankiiba. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira fursado naadir ah oo lagu kasbado ilaa $50 sahankiiba.

3. Pinecone Research

Dadka da’doodu u dhaxayso 18-24, Pinecone waxay bixisaa $3 sahamin kasta. Lacag-bixinta way badnaan karaan inta aad website ka ku jirto. Adigoo isticmaalaya Pinecone fursaduhu waa waxla hubo oo sharci ah. Tani waa nooca goobta sahan, halkaas oo aad dhab ahaantii awoodi karto inaad kasbato lacag waqtigaaga firaaqada, Dadka ka baxsan da’da 18-24 way isdiiwaangelin karaan laakiin uma badna inay helaan fursado sahamin ah bishii.

4. InboxDollars

InboxDollars waxay kugu abaalmarin doontaa lacag caddaan ah daawashada fiidiyowyada, ciyaaraha, akhrinta iimaylada, qaadashada sahannada iyo ka dukaamaysiga dukaamada la doortay. Maxaa ka dhigaya meel fiican InboxDollars waa inaadan u baahnayn inaad ku shaqeyso nidaamka beddelka dhibcaha adag; sahamin kasta oo aad qaadato waxaad si fudud ku helaysaa lacag caddaan ah.

Inta badan sahannada laga helo InboxDollars waxay u dhexeeyaan 50 senti ilaa $5. Laakin sahannada qaar ayaa kugu abaal marin doona $10 ilaa $20. Guud ahaan, qorshee inaad ku qaadato 2 ilaa 25 daqiiqo sahankiiba.

Waxyaabaha ay tahay in laga digtoonaado marka la qaadayo Sahannada Internet-ka

Kahor intaadan u dhex galin aduunka sahaminta Intener-ka ee lacagta lagu kasbado, maskaxda ku haay arimahaan soo socda:

Weligaa ha bixin lacag si aad u qaadatid sahan online: 

Haddii lagu weydiiyo inaad lacag bixiso si aad ugu biirto goobta sahan, ka carar meshaas sababto ah waxay u badan tahay inaad ku dhacday mid ka mid ah khiyaamooyinka badan ee ku soo dhuumanaya goobta sahanka ee onlineka ah. 

Waxay qaadan kartaa in ka badan intaad u malaynayso: 

Kaliya maaha inay wakhti qaadanayso inaad ku dhisto dhibcahaaga, waxay sidoo kale qaadan kartaa wakhti dheeraad ah si aad u hesho magdhowgaada ama lacagta aad ka sameeyso halkaas. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad sugto maalmo ama toddobaadyo si aad u aragto abaalmarinta aad sida saxda ah u heshay. Nasiib darro, tani waxay u muuqataa inay tahay mawduuc guud oo ka jira goobaha sahanka.

Gunaanad

Sahanada Internet ka lacag waa laga sameyn karaa balse maahan wax aad ka taajiri karto ama aad isku haleeyn karto oo shaqo rasmi ah aad ka dhigan kato, waxaa jira qaabab kalo badan oo internet ka aad kaga sameeyn karto lacag xoogan oo aad ku noolaan karto.

ka baro wax dheeri ah:

- Sidee Lacag Looga Sameeyaa Internet Ka.
- Sidee Loo Noqdaa Freelancer? (Step-By-Step)
- 5 Xirfadood Internet-Ka Ka Baran Karto (Xirfadaha Ugu Dakhliga Badan).
- Sida Lacag Looga Sameeyo Youtube Adigoon Muujiin Wajigaga

4 Comments.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *