Sidee loo helaa Youtube Views badan 2022

Ma raadineysaa siyaabo aad kor ugu qaaddo YouTube Views ka kanaalkaaga? Halkaan waxaan kugula wadaagi doonaa 10 tilmaamod oo lagu soo jiidan karo daawadayaal badan, iyo samaynta muuqaalo waxtar leh oo horumarin kara kanaalkaaga.

Sida loo helo YouTube views waa xirfad qofkasta oo Youtuber ahna laga raboo inuu waxbadan ka fahmo, sababtoo ah qofna ma doonaayo inuu waqti badan ka qaato samaynta muuqaal, kadibna uusan helin wax views ah ama daawasho.

Haddii aad la yaabban tahay sababta muuqaladaada YouTube-ka aysan wax daawasho ah u helin, hubaal hagahani waku anfici doonaa.

Laga bilaabo abuurista thumbnails ka wanaagsan iyo qorista cinwaanada soo jiidasho leh, halkan waxaan kugu tusi doonaa 10 siyaabood oo aad ku heli karto daawasho badan muuqaaladaada YouTube-ka.

1. Diirada saar Hal Mowduuc (YouTube Niche)

Doorashada Mowduuc YouTube waa go’aan weyn. Daawadayaasha waxay eegaan dulucda guud ee kanaalkaaga, hadii mowduucii ay kugusoo raaceen aad ka baxdo waxaa macquula ineey su’aal isweydiiyaan ma tahay waxii igu haboona?

Haka dhigin kanaalkaaga mid mowduucyo badan ka hadla, waxaad u baahantahay inaad hesho mowduuc aad xiisayso oo aad ku bilowdo abuurista muuqaalo aad kaga hadleeyso cinwaakaas.

Waxaad ka heli doontaa daawasho badan YouTube-kaaga adiga oo samaynaaya muuqaalo aad diirada ku saarayso mowduuc gaar ah, waa tanaa sababta:

  • YouTube ayaa kula talin doona fiidiyowyadaada dadka xiiseeya mowduucaaga, waa xayeesiin bilaash ah waxayna u badan tahay tan ugu fiican ee aad waligaa heli doonto.
  • Waxaad heli doontaa subscribers isku fikir ah oo u soo noqda inay ka daawadaan muuqaalo badan kanaalkaaga.

2. Sameey Thumbnail gaar ah.

Sida laga soo xigtay YouTube, 9 ka mid ah 10 ka muuqaal ee aadka loo daawado YouTube waxay isticmaalaan thumbnail gaar lo sameeyay. Thumbnail ka waa aragtiyaha ugu horreeya ee muuqaaladaada YouTube. Waxa uu isla markaaba mashquuliyaa daawadayaasha oo u sheegaa waxa muuqaalkaagu ku saabsan yahay. 

Akhbaarta wanaagsan ayaa ah inaad habayn karto oo aad wanaajin karto sawirada thumbnails-ka muuqaaladaada, usameey muuqaalada kanaalkaaga Thumbnail soo jiidasho leh si aad u hesho daawasho badan.

3. Soo dhig muuqalada waqtiga ugu fiican.

Waqtiga ugu fiican waa marka daawayaashadu ay daawanayaan fiidiyowyadaada, Inta aadan soo galin muuqaalkaaga ka hore waxaad sii ogeeysiin kartaa daawayaashaada waqtiga aad soo dhigayso fiidiyowyadaada cusub adigoo adeegsanaaya qodobka 9aad, taasoo kaa saacidi karta inaad hesho daawasho badan oo bilaash ah.

Si aad u ogaato waqtiga daawadashaada ay Youtube joogaan. Tag Youtube Studio ku dhufoo Analytics list-ga dhanka bidix, kadib kusii dhufoo Audience, hoos u dhaadhac waxaad arkaysaa “When your viewrs are on Youtube” meshaas waxaad ka ogaan kartaa waqti ay daawayaashaadu u badanyihiin daawshada Youtube.

4. Hordhaca muuqaalkaaga kusoo jiido Daawadayaasha

Hordhaca fiidiyoowga waa muhiim. 30-ka ilbiriqsi ee ugu horeeysa muuqaalkaaga, daawadayaashu waxay kala go’aansadaan inay sii daawadaan ama ay ka gudbaan muuqaalkaaga.

Ka dhigista inay sii daawadan waxay ka dhigan tahay inaad hesho wakhti badan oo daawasho ah, arintaasi waa wax qurux badan una wanaagsan kobaca kanaalkaaga.

Arinka wanaagsani waa ku qancinta daawayaasha si ay u soo noq noqdaan oo aad oga hesho daawasho badan.

5. Kusoo dar muuqaaladaada  YouTube Cards iyo End Screens.

Daawasho badan oo bilaash ah waxaad ku heli kartaa adigoo muuqaaladaada kusoo dara Youtube Cards iyo End Screens, Waa aaladaha ugu fiican ee aad ku horumarin karto kanaalkaaga, sidoo kale waa bilaash in la isticmaalo.

  • Youtube Cards: waa ogeysiisyo gudaha-muuqaalada ah oo daawayaasha kula talinaaya muuqaalo kale oo la xiriira muuqaalka ay daawayaan oo isla kanaalkaaga ah, hadii aad hiigsanayso Youtube daawasho badan inaad hesho, Youtube Cards ayaa aad kaaga caawin kara inaad hesho daawasho badan Kanaalkaaga.
  • End Screens: waxay soo baxayaan 5-20 ilbiriqsi ee u dambeeya muuqaalkaaga, markaas daawadayaashu waxay riixi karaan fiidyowgaaga dheeraadka ah si ay u daawadaan muuqaalka xiga.

6. Si joogto ah usoo dhig muuqaalo badan kanaalkaaga.

Tani waxay kula noqon kartaa howl adag marka hore, laakiin si aad u kordhiso dadka kugu xiran ama daawadyaashaada, waxaad u baahan tahay inaad kordhiso inta jeer ee aad soo dhigeeyso muqaalada Kanaalkaaga, ugu yaraan hal ilaa sadex fiidiyow todobaadkii, hadii aad maalinkasta soo dhigi karto muuqaal waa mida ugu fiican.

Marwalba joogteynta ayaa ah tan ugu muhimsan. Isku day inaad waqti iiskumid ah soo galisoo muqaalada maalin kasta ama toddobaad kasta, lana socodsii dadka kugu xiran goorta aad muuqaalada cusub aad soo galin doonto. 

7. Saray uqaad daawashada Adigoo u sameeynaaya muuqaladaada Playlists.

Muuqaalada aad soo galisoo kanaalkaaga waxaad u baahantahay inaad kala habeeyso si daawayaasha ay ku helaan wixii ay rabeen si fudud, taasoo ku fududeeyn karta inaad daawasho badan ku hesho muuqaaladaada.

Midaasi waa sababta Playlists ay aad muhiim ugu yihiin. Playslists ka sidoo kale waxeey fududeeysa in daawadayaashaada muuqaalo badan halmar ka daawadaan Kanaalkaaga taaso ku horseedi karto ineey rukuntaan kanaalkaaga oo subscribers badan iyo daawasho badan aad ka hesho halkaas.

8. Si fiican ula soco Analaytics ka YouTube-kaaga.

Habka ugu wanaagsan waa in la eego falanqaynta kanaalkaaga ku siinaayo, cabbiraadda waxqabadka muuqaaladaada, iyo inaad laba laabto waxa ku shaqeeynaaya inta badan, muuqaalada daawashada badan helay inaad ogaato sababta ka dambeeysa oo dadja ujeclaadeen, kadib muuqaaladaada xiga aad kuwaaso kale dhigtoo.

Wax kasta oo aad u baahan tahay waxay ku jiraan YouTube Studio. Haddii aad marar badan gashay halkaas, waxaad hore u taqaannay sawirkaan falanqaynta ee hoos kaaga muuqda.

9. Adeegso Youtube Community Tab-ka.

Shirkada YouTube waxay sameeysaa shaqo aad u fiican iyo xayeesiin bilasha waxeey kula talisaa muuqaladaada daawadayaasha, laakiin mararka qaarkood kanaalkaagu wuxuu u baahan yahay shaqo dheeraad ah.

Taasi waa halka YouTube Community Tab ka uu ku anfacayo. Community Tab ka waxaa adeegsan kara Youtube kanaal kasta oo haysta 500 subscribers ama ka badan.

Community Tab waa hab fudud oo aad taageerashaada kula wadaagi karto muuqaalada cusub aad soo wadoo, su’aalo aad ku waydiin karto, waxaad kaloo ka dhax heli kartaa mowduucyo aad muuqaalo cusub ka sameeyn karto.

10. Wada shaqeyn la sameey Youtubers-ka kale si aad u gaarto daawadayaal cusub.

Wadashaqeynta YouTube-ku waa hab dahabi si aad kanaalkaaga uga dhigto mid cusub oo dad badana ugaara. Markaad maskaxdaada ku hayso fikrado kali ah oo kaligaa aad shaqeeynayso, way adagtahay dad badan gaarto.

Arinta cajiibka ahi waxa ay dhacdaa marka adiga iyo Youtuber kale aad isla samaysaan muuqaal wadaag ah, waxa aad si dhab ah u helaysaa in aad isweydaarsataan daawadayaasha. Youtuber-ka kale ayaa kuu soo bandhigaya subscribers ka ku xiran, waxaad halkaas ka heli doontaa daawadayaal cusub.

Markaan waa markaagi!!

10 kaas tilmaamod waa sida lagu heli karo daawasho YouTube badan, hadda waxaan jeclaan lahaa inaan helo fikirkaaga iyo waxaad ka faa’iiday maqaalka maanta.

Habkee ayaad diyaar u tahay inaad marka hore isku daydo? 
Ma waxaad isticmaali doontaa Thumbnails gaar ah?
Mase Waxaad diyaar u tahay inaad adeegsato Community Tab-ka.
Si kastaba ha ahaatee, nala wadaag adigoo faallo ka bixinaya Comments ka hoos hadda.

Mahadsanid.

1 Comment.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *