Lacag ka Samee Youtube Adigoon Wajigaaga Muujin

Ma ogtahay inaad Youtube lacag ka sameeyn karto adigoon wajigaaga muujin, qasab maahan inaad camerada kasoo muuqataa waxaad si fudud lacag kaga sameeyn kartaa Youtube adigoon wax muuqala kasoo muuqan, waliba fikaradaha aan maqaalkan kugula wadaagi doono hubaal waaye hadaad dhaqan galisoo noloshaada waxbadan ayay ka badali doonaan.

Waxaan maqaalkaan kugula wadaagi doonaa 2 fikradood ee ugu fiican (Best YouTube Niches) ee aad lacag fiican kaga sameeyn karto adigoon ubaahan inaad kasoo muuqato Youtube ama wajigaaga muujiso, waana wa iska fudud hadaan usoo jeesato aad sameeyn karto dad badana ay dakhli aan caadi aheeyn ka sameeyaan, hadaad dhaqasan galisoo midka mida fikradaha aan kula wadaagay sanad ilaa 2 sano hadii alle idmo noloshaada waxbadan ayaa iska badali doon.

Diyaar ma tahay, aaynu biloowno.

Fikrada koowaad: Technology Channels

Channelkaan Quantum Tech HD inta badan wuxuu soo dhigaa waa Technology Video gaagaaban oo la isku keenay oo Editing fiican lo sameeyay waxeey kaloo ku daraan Editing ka Subtitle ay ku sharaxaayan muuqaalka oo English ah, muuqaalada ay isticmaalan ayaga malahan waa muuqaalo dadkale ay leeyiihin oo ay social media kasoo kala qaateen, sida Tiktok, Instagram, Facebook, iyo Youtube.

Waxaa laga yaaba inaad isweydiineyso muuqaladaas malahan miyaa Copyright ama laguma qabsanaayo miyaa, haa waa lagugu qabsan karaa balse Channelkaan Quantum Tech HD iyo kuwa la midka waxeey sameeyaan muuqalada mesha ay kasoo qaateen waxa ay ku sheegan muuqalka gudahiisa & Discription ka muuqaalkasta taas ayaa kaaga filnaaneysa.

Sidee ku sameeysan kartaa Channel kaan oo kale.

Runta waxeey tahay ma dhib badna inaad sameeyso channelkaan oo kale madaama aan lagaa rabin inaad adiga muuqaalada duubto ama kasoo muuqato Youtube channel-ka xitaa qasab maahan inaad codkaaga saarto, waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaad kala doorato 2 mid oo kala ah:

  • Channel-ka ma caalami ka rabtaa.
  • Channel-ka ma somali ayaad rabtaa inaa ka dhigto.

Hadii aad soomaali doorato waxaan kugula talin lahaa inaad codkaaga ku darto oo qaab fiican dadka ugu sharaxdo muuqalada macnahooda hadda ma jiro channel sidaan oo kale ah oo Technology qaabkan kaga hadla oo afsomali ku baxa waa jaanis kaaga banaan halkaas.

Maxaa lagaaga baahanyahay inaad sameeyso

  • Marka hore waxaad waxaad ubaahantahay inaad sameeysato Youtube Channel.
  • kadib waa inaad raadisaa Cinwaanka ama fikrada muuqaalka markaas aad sameeynayso adigoo ka fiirinaya oo ka fikir qaadanaya Channels ka kula midka ah.
  • Kadib waa inaad soo heshaa muuqalada aad sameeyn laheeyd adigoo social media kala soo dagaaya sida Tiktok, Instagram, Facebook, iyo Youtube.
  • Kadib waa inaad si fiican u Editing gareeysaa muuqalada oo aad ka dhigtaa muuqaal adiga kuu gaar ah, adigoo ku sheegaya muqaalkasta mesha aad kasoo qaadatay magacayada meelaha aad kasoo qaadatay waa inaad ku xustaa muuqaalka.
  • Kadib kuso Upload gareey Youtube channel-kii aad sameeysaty.
  • Muuqaalkasta aad soo galisaa haka hilmaamin mesha aad kasoo qaadatay muuqalada aad isticmaashay muuqaalkas inaad Description ku xusto, waxaad kaga badbaadeysa Copyright-ka.

Mida ugu muhiimsan waxeey tahay Muqaalo badan sameey, si channel-kaaga kugu kacoo oo heer fiican kaga gaarto juhi badana galii.

Lacag intee la eg ayaan ka sameeyn karaa Technology Channel.

hubaal Technology Channel hadaad sameeysato Dakhli fiican ayaad ka sameeyn kartaa waliba aad kaga maarmi karto inaad shaqaalo sii ahaato ama qofkale ushaqeeyso, Technology Niche waxay ka mid tahay Niches ka Youtube lacagta badan ay ku bixiyaan, hadaad Juhdi iyo dadaal badan galisoo waxaad gaareeysa heer aad Dakhli fiican kasoo xareeyso bilkasta adigoo gurigaaga jooga wajigaaga aan muujin.

Kawaran hadii muuqaal Adiga aadan laheeyn aad ka sameeyn karto bishii $10,000 – $21,000 oo dollar mesha ugu hooseeysa waa cajiib soomaahn, ku dhaqaaq hada oo biloow Technology Youtube Channel.

Fikrada Labaad: Gaming Channels

Ma ogtahay Gaming Youtube Channel ah inaad lacag ka sameeyn karto adigoon wajigaaga muujin waliba Game kii aad jecleeyd iska ciyaaraya, hadii aad tahay dadka aad ugu fiicana Gaming ka fursad fiican ayaa kaaga furan Youtube oo waliba aad dakhi fiican kaga sameeyn karto hadii aad waqtigaaga galisoo oo juhdi fiican ku bixisoo hubaal isbadal badan ayaad arkeeysaa.

Maxaa lagaaga baahanyahay inaad sameeyso

  • Marka hore waxaad ubaahantahay inaad aqoon dheer uleedahy Game ka aad dheleyso waliba waxaa aad usii fiican marka hal Game xooga saarto sida PubG oo kale.
  • Marka xigta waxaad waxaad ubaahantahay inaad sameeysato Youtube Channel.
  • kadib waa inaad raadisaa Cinwaanada channels ka kula midka ah ukala kacay kadibna aad adiga dib usameeysa fikradaha muuqaladas oo kale.
  • Kadib waa inaad duubtaa muuqaalka Game-ka adigoo dheelaaya, waxaad siticmaali kartaa Mobile-kaaga kaliya Play Store kala soo dag screenrecoder.
  • Kuma qasbanid inaad codkaaga saarto, kaliya iska hubi codka Game-ka in si fiican loo maqli karo.
  • Waxaad ubaahantahay Mobile tayo sare leh inaad hesho, balse marka hore waxaad haysato ku biloow.
  • Kadib waa inaad si fiican u Editing gareeysaa muuqalada oo aad ka dhigtaa muuqaal adiga kuu gaar ah, adigoo meelaha ugu fiican kasoo qaadanayaa.
  • Kadib kuso Upload gareey Youtube channel-kii aad sameeysaty.
  • Muuqaalkasta aad soo galisaa haka hilmaamin inaad Titles ka si fiican iskaga saxdaa adigoo ka fikir qaadanaya channels ka kula midka ah.

Lacag intee la eg ayaan ka sameeyn karaa Gaming Channel.

Lacagta aad ka sameeyn kartaa Youtube Gaming Channel waxeey ku xirnatahy juhdigaaga iyo sidaa u dadaasho hadaad dadaal badan galisoo uu channelka ku kacoo hubaal lacag fiican ayaad ka sameeyn kartaa.

Hadaa si fiican ufiiriso sawirkaan hoose channelkaan bishii ugu yaraan $10,000 oo Dollar ka sameeya Youtube kaliya waa Gaming channel wiilyar oo Game iska ciyaarayo ayaa intaas ka sameeya adna ka badan ayaad ka sameyen kartaa hubaal.

Maqaaladaan Kale Aqrisoo.

Gunaanad

Waxaan rajaynaa maqaalkaan inu ku noqdo mid ku anfaca oo kugu dhiiragliya inaad sameeysato Youtube Channel juhdi badan aad galisoo oo waqti yar kadib noloshaada waxbadan ka badala dhanka maaliyada ama dakhliga kusoon gala.

Horay usoco dhaqaaq sameey oo biloow any Idea O Youtube ka dhaxguuxeysa mardhaw waxeey noqon doonta hadii alle idmo mid waxbadan ka anfacda.

Mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *